Latest Post

6/recent/ticker-posts

Kooxda Ku Guuleysanaysa Tartanka Champions League Xilli-ciyaareedkan Oo La Saadaaliyey

 


Shabakadda xogta iyo qiimaynta kubadda cagta ee diiwaangelisa rikoodhada laga sameeyo garoomada, ayaa waxa ay samaysay saadaal ku sallaysan qiimaynta xogta garoomada, waxaana koox walba ay u sheegtay inta ay le’eg tahay fursadda ay ugu guuleysan karayso tartanka Champions League.

Manchester City oo ah kooxda koobka difaacanaysa, ayaa haddii ay doonayso inay ku dhowaato finalka, waxa ay ku qasban tahay inay meel-saarto Real Madrid oo ay isku dhaceen wareegga siddeedda, laakiin xataa haddii ay u suurtogasho waxa ka horreeya Arsenal iyo Bayern Munich midkooda soo adkaada.

Isku-aadka sidoo kale afka iska geliyey Paris Saint-Germain iyo Barcelona, ayaa waxa ay Opta sheegtay, in Barcelona aanay lahayn rajo buuran, isla markaana ay PSG soo bixi doonto, inkasta oo kaliya ay tahay saadaal oo xaqiiqada garoomadu ay ka duwanaan karayaan.

Atletico Madrid ayaa noqotay kooxda ugu liidata ee fursadda ay ugu guuleysan karayso ay aadka u liidato, waxaana kaliya ay haysataa 6%, waxaanay isku xigaan Barcelona oo iyaduna kaalinta toddobaad ah.

Qiimayntan oo ah isku dhax-jirka usoo bixitaanka wareegga semi-finalka iyo ku guuleysiga koobka, ayaa waxa kaalinta koowaad kaga jirta Manchester City oo ay qiimayntani ka farxinayso, waxaana layaab noqotay in PSG ay ku jirto kaalinta labaad oo ay tahay kooxda labaad ee ugu fursadda fiican.

PSG ayaa haddii ay kasoo adkaato Barcelona, waxa ay la ciyaari doontaa Borussia Dortmund iyo Atletico Madrid midkooda soo gudba, waana sababta ay fursadda fiican u heleen.

Real Madrid iyo Arsenal ayaa ku kala jira kaalmaha saddexaad iyo afraad, iyadoo fursadda ay koobka ugu guuleysan karayaan ay tahay 13.06% iyo 10.92%.

Halkan kaga bogo fursadda ay koox walba u haysato ku guuleysiga koobka Champions League

8. Atletico Madrid – 6.05% Ayay fursad u haysataa inay ku guuleysato Champions League

7. Barcelona – 7.11% Ayay fursad u haysataa inay ku guuleysato Champions League

6. Borussia Dortmund – 7.86% Ayay fursad u haysataa inay ku guuleysato Champions League

5. Bayern Munich – 9.39% Ayay fursad u haysataa inay ku guuleysato Champions League

4. Arsenal – 10.92% Ayay fursad u haysataa inay ku guuleysato Champions League

3. Real Madrid – 13.06% Ayay fursad u haysataa inay ku guuleysato Champions League

2. Paris Saint-Germain – 16.15% Ayay fursad u haysataa inay ku guuleysato Champions League

1. Manchester City – 29.46% Ayay fursad u haysataa inay ku guuleysato Champions League

Post a Comment

0 Comments