Latest Post

6/recent/ticker-posts

Real Madrid Oo Toban Dhibcood Ku Qabatay Hoggaanka Xilli Laga Ganaaxay Vinicius Junior

 


Kooxda kubadda cagta Real Madrid ayaa toban dhibcood ku qabatay hoggaanka horyaalka Spain ee LaLiga, waxaanay ku goolal tirsatay Osasuna oo ay hoygeeda ku booqatay oo ay kusoo xasuuqday 4-2.

inicius Junior ayaa mar kale noqday inuu yahay hoggaamiyaha Real Madrid, inkasta oo akhlaaq-xumo uu sameeyey uu ku mutaystay ganaax uu kaga maqnaan doono ciyaarta Athletic Bilbao, halka labada kalena ay qaybsadeen Brahim Diaz iyo Dani Carvajal.

Afar daqiiqadood oo kaliya markii ay socotay ciyaartu ayay Real Madrid hoggaanka ku qabatay gool uu ciyaarta ku furay xiddiga reer Brazil ee Vinicius Junior oo difaaca Osasuna ka qaatay kubadda, kaddibna u dhamaystiray si ay deggenaan ka muuqato.

Osasuna ayaa laba daqiiqadood gudahood kaga jawaabtay oo shabaqa Real Madrid soo taabatay daqiiqaddii 7aad ee bilowga ciyaarta, markaas oo kubbad uu kasoo shaqeeyey Jorge Herrando uu oolhaye Andre Lunin shabaqiisa u weydaariyey laacibka reer Croatia ee Ante Budimir.

Daqiiqaddii 19aad ee ciyaarta ayay Real Madrid soo ceshatay hoggaanka ciyaarta, waxaana gool labaad u dhaliyey Dani Carvajal oo kubbad uu ka helay Fede Valverde dhinaca ka dhigay goolhayaha.

Real Madrid ayaa heshay fursado kale oo ay kusii dheeraysan karaysay ciyaarta qaybta horeba, laakiin waxa uu nasiibku diiday Rodrygo Goes oo lumiyey kubbado goolal loo qaatay.

Waqtiga nasashada ayay Real Madrid u baxday iyadoo Vinicius Junior loo taagay kaadhka digniinta ah oo uu xaqiiqsaday in uu ganaax ku maqnaan doono ciyaarta Athletic Bilbao ee dhamaadka bishan, waxaana uu kaadhka ku qaatay hadal iyo muran uu kala hor tegay garsooraha ciyaarta.

Saddex daqiiqadood oo qaybta labaad ahaa ayay Real Madrid ku xasuuqsatay inay saddexda dhibcood kala hoyanayso garoonka El Sadar Stadium,  kaddib markii laba kubbadood oo uu dhiibay Fede Valverde ay dhamaystireen Brahim Diaz iyo Vinicius Junior daqiiqadihii 61aad iyo 64aad.

Waqti dambe ayay Osasuna keentay gool labaad oo qurux badnaa oo ay awoodi waayeen inay wax kale sii raaciyaan.

Arda Guler oo beddel kusoo galay ayaa ku dhowaaday inuu dhaliyo goolkii ugu quruxda badnaa horyaalka LaLiga xilli-ciyaareedkan, kaddib markii kubbad uu badhtamaha garoonka kaga toogtay goolka Osasuna oo uu kasoo baxay goolhaye Sergio Herrera ay birta ku dhacday, kaddibna dib usoo noqotay taas oo Valverde oo ku celiyey ay kubbadu ka leexatay.

Gool kale ayay dhalisay Real Madrid oo uu u saxeexay Lucas Vazquez, kaddib markii kubbad uu goolhaye Herrera soo tufay uu marka hore ku toogtay Luka Modric uu ku celiyey, balse waxa markii uu dhalinayey uu dhax taagnaa offside.

Natiijadan ayaa ka dhigan in Real Madrid ay yeelatay 72 dhibcood, waxaanay toban dhibcood ka horreysaa Girona oo aan wali ciyaarin oo kaalinta labaad ku haysata 62 dhibcood.

Post a Comment

0 Comments