Latest Post

6/recent/ticker-posts

Mohamed Salah Oo LABA Shuruudood Ku Xidhay Sii Joogista Liverpool



 Xiddiga reer Masar ee Mohamed Salaha yaa laba shuruudood ku xidhay inuu sii joogo kooxdiisa Liverpool isla markaana iska diido dalabyo uu lacag badan ku helayo oo uu ka haysto kooxaha horyaalka waddanka Sucuudiga oo si weyn u doonaya.

Mohamed Salah oo qandaraaska uu kula jiro Liverpool uu sannad ka hadhsan yahay, ayaa waxa uu xuddun u yahay damaca kooxaha lacagta badan farraqaya ee Sucuudiga oo dhawr ka mid ah ay doonayaan inay la saxeexdaan.

31 jirkan ayaa xagaagii hore u dhowaaday inuu ka tago Liverpool, markaas oo ay kooxda Al-Ittihad dul-dhigtay £150 milyan oo Euro oo ay Reds albaabka ka xidhatay, isla markaana iska diidday inay lacag ka doorbiddo xiddigeedan.

Labada shuruudood ee uu Mohamed Salah ku xidhay sii joogistiisa Liverpool ayaa ah in uu marka hore ogaado mashruuca iyo qorsheyaasha ciyaareed ee kooxdiisa Liverpool ee sannadaha soo socda, iyadoo xilka maamulka naadigana uu la wareegayo Michael Edwards oo ah ninkii marka horeba isaga keenay Anfield.

Arrinta labaad ee uu doonayo Mohamed Salah ee ku xidhan mustaqbalkiisa ayaa ah inuu ogaado qofka uu noqonayo tababaraha cusub ee Liverpool ay ku beddelayso Jurgen Klopp oo dhamaadka xilli-ciyaareedka ka tegi doona kooxdan uu sagaalka sannadood soo laylinayey.

Xiddiga reer Masar oo sannadkii 2017 ay Liverpool kaga soo iibsatay AS Roma lacag dhan £34.3 milyan oo Gini ayaa illaa hadda waxa uu u saftay 336 ciyaarood oo dhamaan tartamada ah, waxaanu u dhaliyey 206 gool iyo 92 kale oo uu caawiye ka noqday, isaga oo noqday ciyaartoyga shanaad ee ugu goolasha badan taariikhda kooxda.

Xilli-ciyaareedkan socda, waxa uu u saftay Liverpool 31 ciyaarood oo uu u dhaliyey 20 gool iyo 13 kale oo uu caawiye ka noqday.

Intii uu joogay Anfield, Mohamed Salah ayaa kula guuleystay Liverpool siddeed koob oo ay ku jiraan Champions League iyo Premier League.

Post a Comment

0 Comments