Latest Post

6/recent/ticker-posts

FIFA oo Mushaharka U Kordhisay Gianni Infantino – Immisa Milyan Oo Dollar Ayuu Qaataa?

 


Xidhiidhka kubadda cagta Adduunka ee FIFA ayay miisaaniyaddeedu gaadhay $11 bilyan oo dollarka Maraykanka muddada afarta sannadood ah ee 2023 illaa 2026, waxaana caawiyey xayaysiisyo ay ka heleen shirkadda shidaalka Sucuudiga ee Aramco iyo shirkaddaha Coca-Cola, Adidas iyo Visa oo lacago badan siin doono FIFA.

Koobka Adduunka ee 2026 ayaa ah halka ay shirkaduhu doonayaan in ay magacyadoodu kasoo dhax-muuqdaan, waxaana shirkadda Aramco oo ah tan lacagta ugu badan bixinaysa ay doonaysaa inay sponsor u noqoto Koobka Adduunka.

FIFA ayaa hore u shaacisay, in tirada dalalka ka qayb-gelaya Koobka Adduunka 2026 ay noqon doonaan 48 dal, halka hore ay dalalka Koobka Adduunka ciyaaraya u ahaayeen 32, kuwaas oo cahdigoodii lagu soo afjaray waddanka Qatar oo martigeliyey Koobkii Adduunka 2022.

FIFA ayaa waxa ay xoghayeeda guud ee Fatma Samoura ay siisay $2.15 milyan oo dollar sannadkii tegay, waxaanay lacagtaasi iskugu jirtay mushahar iyo gunnooyin. Mushaharka ayaa ahaa $1.47 milyan oo dollar, halka bishii December loogu daray $670,000 oo gunno ahayd.

Madaxweynaha xidhiidhka kubadda cagta FIFA ee Gianni Infantino ayaa isaguna helay lacag badan oo mushahar ah, waxaana loo ansixiyey gunnooyin kala duwan, lacago kale oo kharashaad looga dhigayo iyo mushahar cayiman, waxaana marka la isku geeyo uu sannadkii qaadanayaa $4.6 milyan oo dollar. Arrintan ayaa ka dhigan in mushaharka Infantino la kordhiyey 33%.

Madaxweynaha xidhiidhka kubadda cagta Yurub ee UEFA ee Aleksander Ceferin ayaa isagana la sheegay in la siiyo lacag dhan $3.26 milyan oo dollar oo aanay ku jirin wax gunnooyin ah.

Richard Masters oo ah madaxa horyaalka waddanka Ingiriiska ee Premier League, ayaa waxa sannadkii 2022 uu mushahar u qaatay $2.3 milyan oo dollar.


Post a Comment

0 Comments