Latest Post

6/recent/ticker-posts

Ma Run Baa In Gundogan Iyo Toni Kroos Is-Neceb Yihiin?

 


Xiddiga khadka dhexe ee reer Germany ee Ilkay Gundogan ayaa ka hadlay wararka sheegaya in ay is-neceb yihiin kubbad-sameeyaha Real Madrid ee Toni Kroos oo dib loogu soo celiyey xulka qaranka Germany oo uu saddex sannadood ka hor ka fadhiistay.

Toni Kroos ayaa dib u xidhan doona garanka xulkiisa Germany kulamada saaxiibtinimo ee bishan March, kaddibna waxa uu isku diyaarin doonaa ciyaaraha qaramada Yurub ee Euro 2024 oo uu dalkiisa Germany martigelinayo, taas oo meesha ka saaraysa cabsidii ahayd in dhamaadka xilli-ciyaareedkan uu ka fadhiisan doono ciyaaraha kubadda cagta.

Ilkay Gundogan oo ah kabtanka cusub ee xulka qaranka Germany ee tan iyo markii uu dhaawacmay goolhaye Manuel Neuer oo markii uu soo laabtayna lagu wargeliyey in Gundogan uu sii ahaanayo kabtanka, ayaa waxa uu sheegay in isaga iyo Toni Kroos aanu wax nacayb ah dhaxdooda oollin.

Xurgufta lagu yaqaanno inay ka dhax-taagan tahay ciyaartoyda kooxaha Real Madrid iyo Barcelona, ayuu Gundogan sheegay in aanay labadooda wax saamayn ah ku yeelanin, isla markaana isaga shaqsi ahaan aanay wax caqabad ah ku ahayn in Kroos lagu soo celiyo xulka.

Gundogan oo warbaahinta la hadlay ayaa yidhi: “Julian Nagelsmann wuu maqlay wararka sheegaya in soo-laabashada Toni ay aniga dhibaato igu tahay, kaddib telefoonka ayuu iga soo wacay oo si toos ah ayuu ii weydiiyey. Aniguna isla markiiba waxa aan ku idhi: “Waan ugu raacsanahay in Kroos aad u yeedho, anigana waligay wax dibaato ah nama dhax marin Toni. Taas caksigeeda, waxa aanu nahay laba ciyaartoy oo is-qaddiya.”


Post a Comment

0 Comments