Xiddiga khadka dhexe ee Barcelona Pedri ayaa sheegay inuu u codeeyay Frenkie de Jong iyo Ronald Araujo inay noqdaan kabtanka kooxda.
Sergi Roberto ayaa dhawaan loo magacaabay kabtanka cusub ee Barcelona ka dib markii ay kooxda ka tageen Sergio Busquets iyo Jordi Alba halka Gerard Pique uu xagaagii hore ciyaaraha ka fariistay.
Pedri ayaa magacaabay labada xiddig ee uu jeclaan lahaa inay kabtan u noqdaan Barcelona isagoo yiri:
“Kabtanada cusub ee Barca? Waxaa u codeeyay Frenkie de Jong iyo Araujo. Iyaga ayaa u qalmay marka loo eego cid kale. Waxay kooxda joogaan sannado badan, waxaana aaminsanahay inay soo bandhigeen sawir muujinaya inay kabtan noqon karaan.”
Tan iyo markii uu Blaugrana uga soo biiray Ajax sannadii 2019ka, De Jong ayaa ciyaaryahan muhiim ah u ahaa kooxda La Liga isagoo kooxda u saftay 183 kulan. Xiddiga khadka dhexe ee Holland ayaa dhaliyay 15 gool islamarkaana caawiye ka noqday 21 kale.
Dhanka kale Araujo ayaa ah daafaca ugu muhiimsan Barcelona sannadihii ugu danbeeyay, wuxuu kooxda La Liga uga soo biiray Boston River sannadii 2018kii isagoo tan iyo markaas u saftay 113 kulan.
Inkastoo Pedri uusan ku qanacsaneyn in Sergi Roberto laga dhigay kabtanka hadana labada xiddig ee uu la jeclaan lahaa kabtanimada ee De Jong iyo Araujo waxay ka mid yihiin kabtan ku xigaanada si la mid ah goolhaye Marc-Andre ter Stegen.
0 Comments