Manchester City ayaa ugu danbeyn ku guuleysatay inay soo xerogeliso daafaca ay aadka u doonayeen xagaagan ee Josko Gvardiol sida uu goor dhow shaaciyay khabiirka suuqa kala iibsiga Fabrizio Romano.
Manchester City iyo RB Leipzig ayaa haatan dhameystiraya faahfaahintii ugu danbeysay ee hishiiska Josko Gvardiol oo qalinka lagu duugi doono dhamaadka todobaadkan.
Laacibka reer Croatia ayaa berri oo Jimce ah waxa uu tijaabada caafimaadka u marayaa kooxda Manchester City, ka dibna waxaa la filayaa in si rasmi ah loogu dhawaaqo saxiixiisa.
Manchester City ayaa ku iibsaneysa Joski Gvardiol adduun lacageed oo gaaraya 90 milyan euro, taasoo laacibka reer Croatia ka dhigeysa daafaca dhexe ee ugu qaalisan abid.
Gvardiol waxa uu xagaagan Man City kula biirayaa xiddiga ay isku wadanka yihiin Mateo Kovacic iyadoo City ay suuqa kala iibsiga ku qarashgareysay xagaagan 103 milyan ginni.
Waxaa la rumeysan yahay in Gvardiol uu door muhiim ah ka ciyaari doono daafaca Manchester City 10ka sannadood ee soo socda.
Lama oga haddii Manchester City ay dhameystiri doonto saxiixa Gvardiol ka hor kulanka Community Shield ee maalinta Axada.
0 Comments